Somali News

Madasha Badbaado Qaran oo dayacaad ciidan ku eedeysay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa dhaliilo badan oo la xariira arrimaha ciidanka waxaa loogu jeediyey madaxweyne Farmaajo, iyagoo ku eedeeyey inuu dayacay ciidankii Qaran ee ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka.

Madasha ayaa bogaadiyey sida ay isku difaaceen ciidankii lagu weerar saldhigyadii ay ku lahaayeen Bariire iyo Awdheegle, sidoo kale waxay qoraalkaan tacsi ugu direen ehellada askartii ku dhimatay dagaalladii dhacay, iyagoo caafimaad u rajeeyey kuwa dhaawacmay.

Madasha Badbaado Qaran ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeysay in ciidankii ugu badnaa uu ka soo saaray furimaha dagaalka, isla markaana uu ku soo aruuriyey Muqdisho, is bey yirahdeen uu ugu caburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

“Muuqaallada iyo warbixinnada laga soo tebinayo fariisimaha ay argagexisadu kusoo weerareen Ciidanka, waxey muujinayaan sida uu madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday u dayacay ciidanka ku sugan aagga hore ee dagaalka cadawga. Waxaa kaloo cadaatay in uu ciidankii intiisii badnayd ee saldhigyadaas ku sugnaa u soo daad-gureeyey magaalada Muqdisho, si uu ugu cabburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan. Halka in badan oo ka mid ah ciidankii, hubkii iyo agabkii kale ee loogu talagalay la dagaallanka argagexisada loo wareejiyay gobolka Gedo, si uu deegaannadaas uga huriyo colaad sokeeye, taasoo uu dhiig badan uu ku daatay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Sidoo kale waxay madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in hey´addii Sirdoonka Qaranka ee loogu tala galay inay xog ka keento dhaq-dhaqaaqyada kooxaha, sida ay Al-Shabaab, inuu u adeegsanayo dabagalka siyaasiyiinta mucaaradka ah, taas oo fursad u siiday Al-Shabaab inay fuliyaan weerarro iyo qaraxyo.

“Madashu waxey kaloo madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku eedeyneysaa, in hey´addii Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee waajibkeeda koowaad ahaa xog ka keenista dhaq-dhaqaaqyada cadowga Al Shabaab, ay dayacday howlihii Qaranka ee loo igmaday. Taas badalkeedana ay shaqo ka dhigatay dabagalka dhaq-dhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo arrimaha doorashooyinka Dalka. Dayaca shaqo ee NISA wuxuu sababay in argagexisada ay helaan fursado ay ku weeraraan ciidanka ku sugan furimaha dagaalka ama ay qaraxyo naf halligis ah ku xasuuqaan shacabka magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida lagu yiri qoraalkaan Madashu waxay adkaynaysaa in ciidanka laga dhex saaro loollanka siyaasadda, si ay u gutaan waajibkooda qaran, una helaan taageerada shacabka iyo siyaasiyiinta oo idil.

“Madasha waxay dalbaneysaa in gurmad xoojin ciidan, hub iyo saadba leh degdeg loo gaarsiiyo ciidamada ku sugan saldhigyada maanta la weeraray iyo fariisimaha kale ee u dayacmi kara cadowga, si ay awood ugu yeeshaan in ay naftooda iyo shacabka ka difaacaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagexisada Al Shabaab,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Madasha Badbaado Qaran.