Somali News

Madasha Badbaado Qaran oo war culus kasoo saartay mudo kororsi dhaca digniina u dirtay Gudoomiye Mursal

Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu shaaciyey in aysan gacmaha ka laaba doonin hadii madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ay ku dhaqaaqaan mudo kororsi, iyadoo aad loogu cambaareeyey go’aankii uu guddoomiye Maxamed Mursal kulamada golaha shacabka ugu joojiyey xildhibaano gaaraya ilaa 15 xubnood.

Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed waxey si adag uga soo horjeeddaa kordhinta xilka Madaweynaha iyo Baarlamaanka muddo xiloodkoodu dhammaaday.

“Muddo xileedka Baarlamaanka ayaa ku ekaa 28 Diseembar ee 2020, halka uu muddo xileedka madaxweynahana uu dhammaaday 08 Febraayo ee 2021. Ma jiro go’aan ama sharci ka sarrayn kara Dastuurka Dalka. Qodobka 60-aad ee Dastuurka ayaa qeexaya muddada xil heynta Baarlamaanka, wuxuuna dhigayaa sidatan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Madasha ayaa mudo kororsi dhaca ku tilmaantay mid dhidibada loogu aasayo kali talisnimo, lagu carqaladaynayo dadaallada lagu doonayo in dalka ay doorasho ka dhacdo, laguna wiiqayo geeddi socodka nabadda, dimoqoraadiyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri qoraalkan.

“Madasha waxay caddaynaysaa in aysan gacmaha ka laaban doonin muddo kororsiga lagu carqaladaynayo doorashooyinka, laguna qalqal gelinayo xasilloonida, dimoqoraadiyadda iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Badbaado Qaran.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu canbaareeyey go’aankii uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal shanta fadhi ee soo socota ee golaha shacabka uu uga joojiyey xildhibaan 15 xubnood ah iyo qalqal gelinta amnigooda shakhsiga ah.

“Madashu waxay mas’uullyadda dhibka soo gaara xildhibaannada dusha ka saaraysaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo magacyada xildhibaannada dhigay baraha koontorool ee ciidanka , amrayna in awood ciidan loo adeegsado,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Ugu dambeyntii qoraalka Madasha Badbaado Qaran ayaa intaas ku sii daray, “Waxey kaloo madashu canbaareynaysaa ciidanka nabad sugidda ka tirsan ee Golaha Shacabka hubka la soo dhex galay. Tallaabadani waxey tusaale cad u tahay qorshaha lagu doonayo in ciidanka loo adeegsado boobka doorashooyinka dalka. Waxeyna xoojinaysaa dalabka Madasha ee ahaa in mas’uuliyadda amniga dalka laga wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.”