Somali News

Madasha iyo guddoonka BF oo mar kale kulmay iyo qodob xasaasi ah oo laga wadahadlay

Muqdisho-KNN-Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ay maanta markale xarunta Madasha Xisbiyada Qaran shir kula yeesheen guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihi hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan daba socday shirkii maalin ka hor ay ku yeesheen xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxay maanta la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Gud. ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Sida lagu sheegay qoraalka Madasha ujeedka kulanka maanta ayaa ahaa in qodobadii laga wada hadlay la dar-dar geliyo, waxaana si gaar ah diiradda  loogu saaray kulankan sidii loosoo celin lahaa wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

“Waxaa warbixin laga dhageystay Madaxweyne hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay la soo kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi iyo Gud. Ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Madasha.

Ugu dambntii qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu yiri, “Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin ka qaadato dib u heshiisiinta hey’adaha qaar ee Dowladda Federaalka oo khilaaf uu hareeyey, waxaana socda dadaal ballaaran oo Madasha XQ ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidi iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.”