Somali News

Madasha Xisbiyada oo shaaciyay lacag ay ku caawinayaan fatahaadaha.

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka oo qayb uu ka yahay Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku dhawaaqday $200,000(Laba boqol kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.

Xisbiyada waxeey shaaciyeen liiska laba guddi oo howlaha gurmadka ka fulin doona magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale ee dalka Soomaaliya.