Somali News

Madasha Xisbiyada oo si adag u eedeysay golaha wasiirrada hal arrina uga digtay Farmaajo

Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa looga hadlay ansixintii golaha wasiirrada Soomaaliya ee dhismaha hey’adda Batroolka iyo xubno cusub oo lagu biiriyey golaha adeega garsoorka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Madasha oo ka kooban todoba qodob ayaa lagu sheegay in Madashu ay aad uga walaacsan tahay tallaabooyinkii ay qaaday xukuumadda dalka ee dhawaan weysay sharciyadii baarlamaanka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka DFS iyo Golaha Xukuumadda Xil-Gaarsiinta inay dhowraan, ilaaliyaanna shuruucda dalka u yaal, gaar ahaan xilligan kala guurka ah ee uu dalku marayo, taas oo haddaan la garowsan keeni karta khilaaf dastuuri ah iyo khalkhal siyaasadeed.”

“Madashu markay aragtay go’aammadii ka soo baxay golaha xukuumadda xil-gaarsiinta fadhigoodii 30-kii July 2020-ka, markay akhriday war-saxaafadeedkii ka soo baxay Ururka Qareennada Soomaaliyeed, markay dhageysatay baaqii ka soo baxay Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed iyo Xisbiyada Siyaasadeed ayna ogaatay walaaca bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan go’aannada sharciga ka weecsan ee ay ku tillaabsatay xukuumadda xil-gaarsiintu, waxay soo saartay qodobbadan hoos ku qoran.”

1. Madashu waxay garowsan tahay baahida loo qabo dhisidda Guddiyada Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka, kuwaas oo la dhowrayay muddo ka badan saddex sano iyo bar, ayna ahayd inay dhisto Xukuumaddii haysatay kalsoonidii BJFS ama ay tahay in lala sugo inta laga soo dhisayo xukuumad cusub oo hesha kalsoonida Baarlamaanka.

2. Xukuumadda hadda jirtaa waa Xukuumad Xil-Gaarsiineed, mana laha awood sharciyeed ay ku qaadan karto go’aanno masiiri ah ama ay ku meel marin karto guddi Dastuuri ah oo horey magacaabistiisii looga gaabiyay.

3. Madashu waxey aad uga walaacsan tahay tallaabooyinka sharci darrada ah ee ay Xukuumadda Xil-Gaarsiintu ku dhaqaaqdey shirkeedii Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 30/07/2020 oo ay ku magacaabeen hay’ado Dastuuri ah sida Hay’adda Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

4. Madashu waxay caddeynaysaa hab-raaca loo maray magacaabista 5ta xubnood ee ka tirsan Golaha adeegga Garsoorka inay baal marsantahay Dastuurka ku meel gaarka ah ee JFS.

5. Waxaan uga digaynaa Madaxweynaha JFS in uusan ku soo saarin wareegto xubnahaas 5ta ah ee ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka, inta la waafajinayo Dastuurka JFS.

6. In Shaqada Xukuumadda Xil-Gaarsiintu ay ku ekaato kaliya socodsiinta hawlaha caadiga ah ee xukuumadda, inta reysul wasaare haysta kalsoonida Golaha Shacabka laga soo magacaabayo, sida ku xusan Dastuurka Dalka qodobkiisa 103aad.

7. In Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed si dhow ula socdaan tallaabo kasta oo ay qaadayso Xukuumadda Xil-Gaarsiintu, isla markaana ay kula xisaabtamaan si joogto ah hawlaha ay qabanayaan inta reysal wasaare laga soo magacaabayo.