Somali News

Madasha Xisbiyada oo war ka soo saartay shirka Dhuusamareeb baaqna u dirtay madaxda DF

Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu soo dhaweeyay shirka 9-ka bishan lagu wado in uu Dhuusamareeb uga furmo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

“Madashu waxay soo dhaweyneysaa kulanka lagu madlanyahay in 9-ka bishan ay isugu yimaadaan madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Madsha Xisbiyada Qaran ayaa qoraalkan ku sheegtay inay ka xuntahay baaqashada kulankii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku balansanaayeen Muqdisho, 5-tii illaa 8-da bishan, waxayna tilmaameen in taasi cadeyn xoog leh u tahay ‘Fashilka hoggaanka sare ee dalka’.

“Ka maqnaanshaha hoggaanka dalka ee shirka ka dhacaya Dhuusamareeb, waxay muujineysaa ififaalo aan wanaagsaneyn, Madashu waxay kula dardaarmeysaa madaxda dowladda federaalka, inay u istaagaan gudashada jaajibaadka ka saaran howlaha dastuuriga ah ee suurta gelin kara doorashooyin xor iyo xalaal ah oo si nabad ah ku dhaca” ayaa lagu yiri qoralkan.

Ugu dambeybtii Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegtay inay dhiira gelineyso dadaallo walba oo keeni kara isu-soo dhawaansho iyo garowshiyo maangal ah.