Somali News

Madasha Xisbiyada Qaran oo war kasoo saartay hadalkii R/W Kheyre iyo doorashada dalka

Muqdisho-KNN-Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku soo dhaweysay hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa inay ka go’antahay qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale Madsha ayaa qoraalkan ku sheegtay in mar kasta ay dowladda federaalka ugu baaqeyso qabashada doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku dhacda.

“Haddaba si loo fuliyo waajibaadka dastuuriga ah, waxay Madashu dhiirigalineysaa in dawladdu ka dhabeyso hadalkaas, ayna aqbasho qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed, si loo dhaqangeliyo xeerarka iyo sharciyada Barlamaanku ansixiyay loogana heshiiyo jadwalka iyo nooca doorasho ee dalku aadayo” ayaa lagu yiri.

Illaa shan qodob oo ku xusay qoraalkan ayey Madasha Xisbiyada Qaran ku tilmaantay inay saldhig u noqon karaan nabad iyo dowladnimo waarta oo ka hirgasha dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Madasha oo dhameystiran