Somali News

Madashada xisbiyada qaran oo xalay shir Ku yeeshay Muqdisho

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga tashadeen sidi loo garab istaagi lahaa dadka Soomaaliyeed ee wax ku noqday qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye iyo sidi taageerayaasha Xisbiyada ku mideysan Madasha iyo Umadda Soomaaliyeed loogu abaabuli lahaa inay doorkooda qaataan.

Shirkan oo uu guddoomiyay Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sh. Shariif Sheekh Ahmed waxaa ka qayb galay Madaxweyne hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha madasha ee ku jira labada Gole ee Baarlamaanka qayb ka mid ah.