Uncategorized

Madaxa howlgalka AMISOM oo sheegay in Duqaymaha Mareykanka ee Soomaaliya ay baabi’in karaan awooda Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Madaxa Howl-galka Midowga Africa ee Soomaaliya Faransisco Madera oo u waramay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in duqaymaha diyaaradaha dagaalka ee Mareeykanka  ay Soomaaaliya ka fuliyaan ay tir-tirayan Al-shabaab.

Mareeykanku wuxuu kordhiyay howlgaladiisa Soomaaliya ee uu ku beegsanayo Al-shabaab iyo uruurka Daacish ee goboladda Bari kasoo cusboonaaday.

“Weeradda ay Dorones ku Tiro badan ayey Al-shabaab ka tir-tirikaraan, taasina waa tilaabo u wanaagsan in la dhameyo Agragixisadda”, ayuu yiri Fransisco Madera oo ka qayb galaya Shirka Midowga Africa ee Magaaladda Ardid Ababa ka dhici doona.

Bilihii U dambeeyay Ciidamadda gaarka ah ee Mareeykanka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa Qaaday weero Cirka ah iyo kuwo dhulka ah oo ay ku beegsanayeel Al-shabaab.

Taliska Qaaradda Africa ee Mareeykanka ayaa iska difaacay eedeeymo ah in Ciidamadoodu ay  Dileen Dad Rayid ah, War qoraal ah oo Talisku uu soo saaray Bishii November ayuu ku sheegay in Dad rayid ah aysan ku dhiman weeradda uu soomaaliya ka fuliyo .

Fransico Madera oo sidoo kale ah Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadda lagu eedeeyo in ay Si sharci darro ah u dileen Dad rayid Maxkamad lasoo taagidoono, wuxuu sheegay sidoo kale in AMISOM aysan haysan lacag ay ku bixiso Magdhowga Ciidamadda ka dhinta, balse ay u gudbiyaan dowladaha Taageera, wuxuu yiri “Taageeradda aan ka helo waa ay yartahay”s.

Iyadoo Qorshuhu yahay in Ciidamadda AMISOM aysaoomalaiya ka baxaa ugu Dambeyn December 2020 ka ayaa Mandra wuxuu shegay in kordhinta Waqtiga AMISOM uusan meesha ka marneeyn.