Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha Shirkada Dekedaha kashaqeeysa ee Dpworl ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan Mashruuca Dekedda Berbera oo aysan u hugaansameenin Go’aanka Golaha Shacaba Soomaaliya ay uga Mamnuucday Dalka.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Sultan bin Sulayem ayaa shir jaraa’id wuxuu ka sheegay in ay Soomaaliland ka shaqaynayaan kaso koow Go’aankii looga Mamnuucay in ay Soomaaliya ka kashaqeeyaan.
Sultan bin Sulayem ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay go’aankii Dowladda Jabuuti ay uga laabatay Hishiiskii Dekedda Doorale ee ay la gashay DP world, wuxuuna sheegay in Go’aanka Dowladda Jabuuti uu Adkeeyn doono in qaaradda Africa ay maalgashiga soo jiidato.
Hadalkaan kasoo baxay Madaxa DP world waxaa jiray Hadal ka horreeyay oo shirkaddu ay ku sheegtay in Soomaaliland ay tahay dal Madax banaan sidaasna ay ula gashay hishiis ay san ogeeyn Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya.
Hishiiska Dekedda Berbera ayaa waxaa uu dhaliyay Marun iyo hadallo iska soo horjeeda oo dhexmaray Goleyaasha Soomaaliland iyo Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.
Isniintii lasoo dhaaafay Aqalka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meelmariyay Xeer Dalka looga Mamnuucay shirkadda DP World, Kaa oo wali horyaala Golaha Aqalka Sare.
Golaha Wakiiladda Soomaaliland ayaa iyaguna dhankooda ka wabaay Xeerka Dalka looga Mamnuucay DP World waxayna Gaf ku tilmaameen Go’aankii Xillibaanadda Golaha Shacabka ee Soomaaliya.
Madaxweeynaha Soomaaliland Muse Biixi Cabdi ayaa isaguna Safar ku jooga Dalka Isutagga Imaaradka Carabta oo laga leeyahay Shirkadda DP World
Sida Hishiiska ku xusan Hishiiska Berbera Xukuumadda Soomaaliland ayaa leh 30% Saamiga Shirkadda Maalgashaneeysa Dekedda, Dowladda Itoobiyana waxay leedahay 19% Halka DP World ay leedahay 51%


