Uncategorized

Madaxda AMISOM oo Gudoomiye Jawaari ka aqbalay arin uu ka dalbaday.

Muqdisho-KNN-Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee uu mooshinka ka yaallo oo ay wehliyeen Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaano kale ayaa shalay Xerada Xalane kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha kale oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Gudoomiye Jawaari ayaa Fransico Madiera iyo Saraakiisha kale kala hadlay Ciidamada AMISOM ee la wareegay xarunta Baarlamaanka ee Golaha sahcabka iyo howlaha sugida amniga xaruntaasi.

Warar hoose oo ay heleyso KNN ayaa sheegaya in Gudoomiye Jawaari uu xubnahaan ka dalbaday in ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta Baarlamaanka ay ku sii  sugnaadaan xaruntaasi, ilaa inta ay  ka soo gaba gaboobeysa cod u qaadista mooshinka ka dhanka ah Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda AMISOM ay aqbaleen inay dardar geliyaan howlaha sugida amniga Xarunta Golaha shacabka, iyadoo AMISOM waajibaadkeeda qeyb ka yahay amniga Guddoomiye Jawaari.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamo dheeraad ah oo ka socday AMISOM la geeyay xarunta, kaddib markii uu soo baxay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex bilowday Golaha shacabka, iyadoo ciidamadii xarunta ilaalinayay ee ka tirsanaa Booliska, lagu bedelay ciidamo kale oo iyana Boolis ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ciidamadaan dheeraadka ah ee ka socday AMISOM iyo kuwa kale ee Booliiska ah la geynayay Xarunta Golaha Shacabka uu ku eedeeyay in arintaas uu ka dambeeyo Ra`iisul Wasaaraha Xukumada Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isla markaana sheegay in lala wareegay Madaxbanaanidii Golaha Shacabka, inkastoo hadda ay muuqaneyso in Gudoomiyuhu uu badalay mowqifkiisa ku aadanay arintaasi.