Somali News

Madaxda Bariga Africa oo ku shireysan Tanzania

Muqdisho-KNN-Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika ayaa shirweynahooda sanad la ah waxa uu ka furmayaa dalka Tanzaniya, iyadoo ay jiraan xiisado iyo cadaawad toos ah oo ka dhex jirta qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Burundi ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dalka Rwanda uu yahay cadaw. ayadoo Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jirdil iyo tarxiil lagulo kaco muwaadiniinteeda u safraya dalka Uganda.

Dhammaan madaxweynayaasha lixda wadan ee ka mid ka ah ururkaan ayaanan ka qeybgalaynin shirkan ka dhacaya magaalada waqooyi ee Carusha ee dalkasi Tanzania.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa u diraya ka qeybgalka shirkan madaxweyne kuxigeenkiisa koowaad halka madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ay ku matali doonaan ergo gaar ah oo uu u diranayo ka qeybgalka shirkaasi.

Shirka ayaa la qorsheeyay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay balse labo mar ayaa dib loo dhigay kaddib markii dowladda Burundi ay qaadacday.