Somali News

Madaxda D/goboleedyada oo hambalyo u diray Aadan Madoobe

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabelle ayaa soodhaweeyay dooraahadii xalay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka loogu doortay Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe taas oo ka dhacday xarunta teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni qoraa uu soo saaray ayuu ku yiri “Waxaan u hambalyeeynaya Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka JFS Mudane  Shiikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe), waxaan u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday xilli uu dalkeenu u baahanyahay in laga gudbiyo marxalad adag.

Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay shaqada adag ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, kuwaas oo uu sheegay inay dhammaantood u dhabar adaygeen shaqo masiiri ah, xili ay soomanaayeen.

“Waxaan boggaadinaya shaqada adag ee ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga Doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, waxaad dhammaan u dhabar adaygteen shaqo masiiri ah xili aad soomantihiin idinkoo ku dhex afuray kuna dhex suxuuranaya gudashada waajibaadka idinka saaran Qaranka.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale, wuxuu rajeeyay in sidoo kale doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Gobolaha Shacabka JFS inay ku soo dhammaato si wanaagsan.

Sidoo kale, dhankiisa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxaa uu ku yiri qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa “Waxaan hambalyo u dirayaa Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka 11aad ee BFS. Waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa dhamaan Xildhibaanada BFS oo juhdi badan ku bixiyay sidii ay u dooran lahaayeen hoggaan rasmi ah oo dalka ka saara xaaladdan kala guurka”

Qoraa kasoo baxay isna Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa hambalyo loogu diray Sheikh Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) oo xalay loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee JFS, isagoo Xildhibaanada Baarlamaanka ugu mahadceliyay saacadaha dheer ay u  fadhiyeen sidii ay u dooran lahayeen hogaanka rasmiga ah ee golaha shacabka Baarlamanka JFS.

Sidoo kale, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa isna dhankiisa u hambalyey Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

“Waxaan u hambalyeeynayaa Walaalkay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo caawa loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka BJFS  waxaana u rajeeynayaa inuu Allaah u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ugu dambeyn, Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isna dhankiisa hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo xalay lagu doortay xarunta teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusu ee golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaaryay 163, wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helay codad gaadhaya 89 cod.