Waxaan maanta weli magaalada Muqdisho soo gaarin madaxda dowlad-gobolleedyada Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed, Jubbaland, iyo Hirshabeelle, xili Ra’iisul wasaare Rooble uu ku casuumay shir looga hadlayo dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka.
Sida uu qorshaha yahay, shirkaan ayaa dhici doona maalinta berri, waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay madaxda qaar soo gaaraan magaalada Muqdisho, sida madaxweyneyaasha Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.


