Somali News

Madaxda Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretria oo maanta kulan ku yeelanaya Dalka Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Maanta ayaa lagu wadaa in  Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya uu ka furmo shir ay lisugu imaanayaan  Madaxda Wadamada Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eretria.

Shirka  ayaa waxaa ka qeyb gali doona  Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii ka soo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor.