Somali News

Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada oo maanta shir ugu furmaya Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu maanta guddoominayaa Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee qabsoomidda doorashada dalka.

Shirkan oo socon doona muddo seddex maalmood ah  ayaa waxaa uu ku saleysan dhaqan gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.