Muqdisho-KNN-Madaxda dalka ee heer Federal iyo heer dowlad gobaled ayaa khilaafka u dhaxeeya waxa uu sababay ku dhawaad muddo sanad ah aysan qabsoomin shirka golaha amniga Qaranka oo ay ku mideynsanyihiin.
Shirkii ugu danbeeyay oo ay yeeshaan waxaa uu qabsoomay bishii June ee sanadkii tagay ee 2018 waxaana lagu qabtay magalada Baydhabo.
Waxaa xusid mudan in mudadaasi lagu jiray khilaaf kala heerar duwan , oo marba ay madaxdu isu yara dhawaayeen balse aaney u surta galin in ay wada shiraan ama dhameeyaan khilaafkooda.
Waxaa jirtay in mar xiriirka ay dowlad gobaledyada u jareen Dowladda dhexe, kala aamusnaan badan kadib ayay bishii January ee sanadkanwaxa ay madaxdu ku kulmeen magaalda Garoowe.
Shirkii Garoowe ee Caleyma saarka Madaxweyne Saciid Dani oo isu soo dhawaansho yar ka muuqatay kadib ayaa la filayay in bishii March ay markale Garoowe isugu tagaan.
Madhicin sidii la rabay in Garoowe lagu kulmo mar kale, shir kale oo Madaxweyne Farmajao uu gogoshiisa dhigay Muqidhso ayaan sido kale suurta galin in la iskugu yimaado, waxaase xigtay in markale uu khilaafkii hawada isku sii shareeray.
Maalmihii lasoo dhaafay ayay magaalada Nairobi madaxda maamaul gobaledyadu ku shireen, iyagoona sido kale shirar gaar gaar ah halkaasi kula yeesheen xubno ka socday Beesha Caalamka.
Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug iyo Puntland oo ahaa mas’uuliyiinta kulanka kuyeeshay Nairobi, ayaa waxaa haatan warar soo baxaya ay sheegayaan in cadaadis lagu saaray madaxda maamuladaas iyo kuwa Dowladda dhexe in ay wada hadlaan six al looga gaaro khilaafka daba dheeraaday.
Cdaadiskaas ayaa sida KNN ku heshay ilo wareedyo ka ag dhaw madaxda waxaa Madaxda Dowladda Federalka laga dalabaday in ay fudueyan is faaham ay la gaaraan Maamul gobaledyada.
Sdioo kale madaxda mamaul goabledyada oo Nairobi safiiro kula kulmay ayaa lagu wargeliyay in taageerada la siinayo ay marwalba ku xirnaandoonto is faham guud ay yeeshaan madaxda hogaamisa Soomaaliya.
Cadaadiskaas ayaa la tilmaamayaa in uu soo dedajiyay qaban qaabada shir ay labada dhinac ku yeelanayaan Garoowe. waxaan la qorsheynayaa in labada bisha soo socata ee may lagu qabto magaalada Garoowe.
Arimaha ugu muhiimsan ee lagu lafa gurayo lana doonayo in xal laga gaaryo ayaa ah Dhaqan galinta awood qeybsiga hanaan loo dhan yahay, qabsoomida doorashada waqtiga loogu tala galay iyo ku dhaqanka Dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameestiro qabyo tirka Dastuurka dalka.