Somali News

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa u hambalyeeyay Guusha doorashada Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo mar kale helay Natiijo wanaagsan.

Fariin uu Madaxweynaha Soomaaliya soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ugu hambalyeeyay Guusha Madaxweyne Erdogan waxa uuna sheegay in ay tahay Guul Taariikhi ah oo soo hoyatay shacabka Turkiga.

“waan ugu hambalyeynayaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, aniga oo wakiil ah shacabkayga iyo dalkayga, Turkiga waa walaalaheyn waana dal aan abaal balaaran u heyno Recep Tayyip Erdogan  waxa uu guul gaarsiiyay dadkiisa iyo dalkiisa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh/Craxmaan ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga isagoo kula taliyay inuu halkiisa ka sii wado dadaalada horumarineed ee dalkiisa.