Somali News

Madaxda Falasatiin oo sheegay inay wax badan oo wanaag ah ka fileyn r/wasaaraha cusub ee Yahuuda.

Qudus KNN: Hogaamiyaasha Falastiin ayaa sheegay inay wax is badal ka filayn
r/wasaaraha cusub ee Yahuuda Naftali Bennett oo xafiiska la wareegay
Max’ud Cabaas m/weynaha Falastiin oo la hadlay warbaahinta afkooda ku
hadasha ayaa sheegay inay ka maamul ahaan wax badan oo isbadal ah ka
rajaynayn r/wasaarahaan cusub.
Hogaamiyaasha caalamka ayuu m/weyne Max’ud Cabaas u sheegay inay
kala shaqeeyaan r/wasaare Bennett sidii loo sii wadi lahaa wadahadalana
nabada ee gobolka.
Sidoo kale afhayeenka ururka Xamaas Fawsi Barxuum ayaa sheegay in
garabkooda sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka maamulka Yahuuda inta
ay haystaan dhulkooda sida uu yiri.
Hogaamiyaasha caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay isbadalka
maamul ee Israel ka dhacay 12 sanno kadib.