Uncategorized

Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna oo heshiis hor dhac kala saxiixday. + SAWIRO

Djibouti-KNN-Madaxda Ahlusunna iyo Galmudug ayaa heshiis hor dhac ah ku gaaray Dalka jabuuti waxayna faah faahin ka bixiyeen qodobadii ay ku heshiiyeen Labada dhinac.

Madaxweynaasaha Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa sheegay in ay gaareyn heshiis hor dhac inta dhimana lagu dhameestiri doono Gudaha dalka balse inta badan la dhameeyay iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay dhaqan galka heshiiskaasi.

Madaxda ka qeyb galaysa shirkaasi ayaa lagu wadaa in ay dhawaan dalka dib ugu soo laabtaan waxaana uu madaxweynaha Galmudug uu muqdisho kaga qeyb galayaa Shirka amniga qaranka.