Somali News

Madaxda Jubbaland oo loo diiday in ay tagaan Degmada Buurdhuubo.

Muqdisho-KNN-Taliyaha ururka 48 qeybta 43 ee ciidanka Xoogga Cabdi Raxmaan  Ibraahim Maxamuud   oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in uusan Imaan karin madaxweynaha Jubaland Degmada Buurdhuubo ee Gobalkaasi.

Waxaa uu sheegay taliyaha in garoonka diyaaradaha Buur-dhubo ay joogaan ciidamada Militariga Soomaaliya,  islamaraaana deegaankaasi aysan imaan Karin masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Jubbland.

Taliyaha ayaa Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Axmed Madoobe uu dhibaato ku wado Dowlada Federaalka Soomaaliya, islamarkaana arintaasi aysan u dulqaadan Karin.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa la sheegay in la geeyay garoonka diyaaradaha ee Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa Xilli khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo  Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.