Kismaayo-KNN-Dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Dalka ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanadooda kadib markii shalay u soo xirmay kulankii ay ku lahaayeen Kismaayo kaas oo ay qodobo ka soo saareen.
C/wali Maxamed Cali “Gaas” Madaxweynaha Puntland ayaa ka degay magaalada Boosaaso, Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku laabtay magaalada Baydhabo Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” Madaxweynaha Galmudug lagu soo dhaweeyay Cadaado halka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare uu ka soo degay Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland markii uu ka degay Boosaaso hadal uu siiyay Warbaahinta ayuu ku sheegay shirkaas in uu ahaa mid mudo badan ay ka fakarayeen in la sameeyo madal ay wadaagaan dowlad goboleedyada, si guul ahna uu ku soo dhammaaday.
Axmed Ducaalle Geelle “Xaa” Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay wixii tabasho ah oo ay ka qabeen Dowladda in ay ku soo bandhigeen shirka, ayna rajeynayaan in wada hadal laga yeesho mad madowg jira.
Qodobadii ka soo baxay Shirkii kismaayo ayaa walaac ka dhax Abuuray Hay’adaha Dowladda Soomaaliya halka shacabkana ay ka qaadeen rajo xumo iyo walaac kale inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu soo saaray hadal loo arko mid qaboojin kara xiisadda taagan.