Kismaayo-KNN-Waxaa Saakay maalintii labaad galay shirka Madaxda Maamul gobaleedyada dalka ka jira,iyadoona shirkooda uu yahay mid aad u xasaasi ah.
Madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed ,Hirshabeelle Jubbaland iyo Puntland ayaa shalay dhamaantooda Waxaa ay eedeeyn kulul u jeediyeen Dowlada federaalka Soomaaliya.
Maanta waxaa Shirka diirada lagu saarayaa in isbadal lagu sameeyo gudoomiyaha golaha iskaashiga ee dowlad gobaleedyada uu hada hogaamiyo Madaxweyne Gaas.
Wararka waxaa ay sheegayaan in xilkaasi loo magacaabi doono Madaxweynaha maamulka hirshaballe.
Sidoo kale waxaa ay aad ugu doodi doonaan Madaxda maamul gobaleedyada Awood qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo arimo kale.
Shirkan ayaa la filayo in ay marka la soo gaba gabeeyo warmurtiyeed laga soo saaro.