Kismaayo-KNN-Waxaa Saakay la filayaa in Madaxda Maamul gobaleedyada ka jira dalka uu shir ugu furmo magaalada kismaayo ee gobalka jubada hoose,iyadoona shirkan uu yahay mid aad u xiiso badan.
Hogaamiyaasha maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa hada ku wada sugan magaalada Kismaayo, kadib markii uu halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha martida loo yahay ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Shirkan ayaa Waxaa looga hadli doonaa qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Shalay ayaa waxaa la filayay inuu magaalada kismaayo ka furmo Shirka Madaxda maamul gobaleedyada,hayeeshee shirkaasi waxaa uu u baaqday,Kadib markii uu soo daahay madaxweyanaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga QM ee Arimaha Soomaaliya Michal Keating,isagoona kulamo xasaasi ah la qaatay Madaxda Maamul gobaleedyada.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, iyada oo ciidan badan laga soo saaray xerooyinkooda, kuwaasi oo ku sugan wadooyinka magaalada iyo xarunta uu shirka ka dhacayo.
Shirkan ayaa waxaa socon doonaa mudo sedex maalin ah,iyadoona markii u dhamaado la filayo in ay warmurtiyeed ka soo saaraan Shirka.