Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda Maamul goboleedyada ay 8 bishan shir ku yeeshaan magaalada Dhuusa mareeb ee Caasimada Galmudug.
Wada hadalo dhanka Taleefanka ah oo dhex maray ayaa la isku afgartay in Maamul Goboleedyada oo wadajir ah shir isugu yimaadaan, iyadoo la filayo in war murtiyeed laga soo saaro kulanka dhex mari doona.
Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan sida ugu fudud ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyad qaar iyo sida ay uga wada hadli lahaayeen Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga dalka.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu fashilmay kulankii Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray Maamul goboleedyada, kaasoo Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July, kaddib markii ay qaadaceen Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.