Somali News

Madaxda Puntland oo ku heshiiyay in aan la badal in guddiga uu magacaabay Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Golaha wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxda ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyadoo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66-da xildhibaan hore ugu iman jireen, kaasi oo cuqaasha iyo Isimadu soo gudbiyaan xubnaha ku metelaya Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.