Somali News

Madaxda Qaranka oo boqolaal shacab ah Salaada Ciida kula tukaday masjid Isbaahisiga Islaamka ee Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacanka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe,
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo madax kale ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxda ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, iyaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.