Shir ay ku yeesheen madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyayaasha xisbiyada Wadani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali-waraabe iyo saraakiil kale oo katirsan saddexda xisbi ayaa lagu soo afjaray caqabadihii iyo murankii ka taagnaa doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland.
Gabagabadii shirkaas waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo muujinaya waxyaabihii ay ku heshiiyeen dhinacyadii kulmay.
Akhriso qodobbada heshiiska ay ku gaareen.
1. Saddexda xisbi waxay ku heshiiyeen mooshin lagu kordhinayo in xubnihii guddiga doorashada oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood, loona gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay wax-ka-bedel iyo kaabis ugu sameeyaan xeerka doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada.
2. Soo jeedin waxaa gudbinaya ugu yaraan 11 Xildhibaan iyo in ka badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland kana soo kala jeeda saddexda Xisbi.
3. Xisbiyada waxay u soo jeedinayaan Golaha Wakiillada in ay go’aan ka gaadhaan wax ka-beddelka qodobka koowaad ee heshiiska saddexda xisbi inta ka horaysa 1 September 2019.
4. Haddii wax ka beddelka qodobka 1aad ee heshiiskan ay ansixin waayaan Golaha Wakiilladu inta horaysa 1September 2019, waxa saddexda Xisbi isku raaceen in mar labaad la hor geeyo Golaha Wakiillada ee cusub kaddib doorashada.
5. Saddexda Xisbi Qaran waxay si wada jira u soo jeedinayaan in Xubnaha Guddida Doorashooyinka ee cusub la dhaariyo ugu danbayn 15 October 2019. Iyo qodobo kale



