Somali News

Madaxda Soomaalida oo soo dhaweeyay doorashada guddoomiye ku xigeenada golaha shacabka ee la doortay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.

Sidoo kale doorashada guddoomiye ku xigeenada ee golaha shacabka ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Hirshabelle iyo koofur galbeed.

Dhanka kale xubnaha mucaaradka ayaa dhankooda waxaa ay taageereen guddoomiyeyaasha cusub ee caawa lagu doortay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho