Uncategorized

Madaxda ugu Sareyso Galmudug oo xalay kulamo ku yeeshay Madaxtooyada Cadaado.

Cadaado-KNN-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle, Madaxweyne Ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Labada Gudoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Galmudug iyagoo ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan kaas oo saameeyay Shaqadii iyo Xasiloonadii maamulkaasi.

Xaaf oo marti qaaday Dhinacyada ka soo horjeedo oo kala ah Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa ayaa la sheegay in ay banaanka ka joogeen Xubnaha kale ee Maamulkaasi waxa uuna kulankooda qaatay wax ka bada Saddex  Sacaadood oo xariir ah.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu raali gilin ka bixiyay hadal uu jeediyay Markii uu joogay Imaaraadka kaas oo ahaa in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka murankooda uu salka ku haayo Arimo qabiil isagoo yiri “Waxay la safan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo ay qaraabo yihiin” taas sii kicisay Xiisadda Galmudug.

Sidoo kale wararka ay heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu dalbaday in la soo afjaro Xiisadda Islamarkaana uu balan qaaday in aysan dib u soo laaban doonin  go’aan uu iska gaaro la tashiyo la’aan waxa uuna ku nuux nuuxsaday Muhiimadda ay leedahay in aan la bur burin Maamulkaasi.

Ma jirto ilaa hadda wax la isku afgartay oo ka soo baxay kulankaasi waxa uuna gaaray ilaa Saqdii dhexe ee Xalay, Xariiro aan la sameynay dhinacyadii kulanka ka qeyb galay ayaa noo suurta galin in aan wax ka weydiino kulankoodii xalay.

Galmudug ayaa wajaheysa Jahwareer siyaasadeed oo gaaray meel sare waxaana sidoo kale la soo saaray Awaamiir looga Mamnuucayo Cadaado iyo Guud ahaan Galmudug shirarka looga soo horjeedo Madaxweyne Xaaf.

,