Somali News

Madaxda Urur Gobaleedka IGAD oo shir deg deg ah ku yeelanaya Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Hogaamiyaasha Wadamada Urur gobaleedka IGAD ayaa lagu wadaa in dhawaan ay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo ka dhacay Dalka Itoobiya.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa Xaaladda South Sudan waxaana ka qeyb gali doono Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ka mid Dowladaha hor kacayo xal u raadinta Wadanka Koofurta Suudaan ayaa lagu wadaa in wafdi heerkiisu sarreeyo ay u dirto Dalka Itoobiya oo dhawaan shirkaasi deg dega ah uu ka dhici doono sida ah noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.