Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Dani iyo Madxeynaha Galmudug Axmed Cabdi QoorQoor ayaa la filayaa in ay maanta ku kulmaan magaalada gaalkacyo oo ay labduba kuwada suganyihiin.
Labada madaxweyne ayaa howlo kala duwan u jooga magaalada Gaalkacyo iyagoo labada daan ee magaaladda ku kala hoyday.
Kulankaan ayaa la filayaa in looga hadlo waxaana kamid ah Amniga Magaalada Gaalkacyo ee la dagaalanka Al-Shabaab iyo iskaashi la xiriira ka hortegida Colaad Beeleedyo ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Mudug.
Amniga magaaladda Gaalkacyo ayaa la adkeeyay waxaana magaalada ku sugan madax heer sarre ah oo ka kala socda maamulada Galmudug iyo Puntland.