Uncategorized

Madaxwaynaha Argentine oo amray in la baaro markabka la la’yahay

Madaxwaynaha dalka Argentine, Mauricio Macri, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan buuxa lagu sameeyo waxa ku dhacay Markab ah nooca badda quusa oo la waayay todobaadkii aanu soo dhaafnay.

Markabka ayaa la rumaysan yahay in uu qarax waxyeeleeyay.

Madaxwaynaha Argentine ayaa sheegay in ay muhim tahay in la ogaado sababta Markabkani oo ahaa mid aan cillad qabin uu qaraxa u haleelay.

Mr Macri ayaa sheegay in howlgalka baadi goobka markabkani uu sii socon doono.

Maraakiib iyo diyaarado ay leeeyihiin dalalka Argentine,Mareykanka,Britain,Chile iyo Barazil ayaa ka qayb qaadanaya howlaha lagu baadi goobayo Markabkani Gujiska ah.

Madaxwaynaha dalka Argentine, Mauricio Macri,ayaa sheegay in aan cidna la eedeeyn ilaa xaqiiqooyiinka ku aadan arrintan laga ogaanayo.

Markabka ay lahaayeen ciidamada badda Argentine,ayaa waxaa saarnaa 44 qof shaqaalo ah.