Uncategorized

Madaxwaynaha Maraykanka oo laalay sharci uu horay u ansixiyay Doanld Trump.

Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay amar sare oo uu ansixiyay ninkii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump kaas oo Mareykanka ka mamnuucayay baraha Shiinaha laga leeyahay ee TikTok iyo WeChat.

Amarkan ayaa laga keenay dacwado dhowr ah waligiisna lama dhaqan gelin.

Hase yeeshee, Waaxda Dhaqaalaha Maraykanka ayaa haatan qiimeyn ku sameyn doonta barahan laga leeyahay Shiinaha.

Waxay waaxdu eegi doontaa in barahan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ee Maraykanka, sida uu sheegay Biden

Shirkadda TikTok kama aysan hadlin wali arrintan.

Trump ayaa sanadkii hore amray inaan lala soo degin app-ka TikTok, oo ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.