Somali News

Madaxwaynaha Mareykanka oo sheegay in uusan quseen duulaanka Turkiga ee xadka Suuriya.

Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xadka Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday “xudduuddooda”, waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn “malaa’ig”.

Xubnaha Aqalka Wakiillada ee baarlamaanka Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn “booliska caalamka”.

Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen.