Somali News

Madaxwaynaha Mareykanka oo taageero u muujiyay dhigiisa Masar.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taageero xoogan u muujiyay dhigiisa madaxwaynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi, oo ay ku furan yihiin cadaadis ku aadan in uu xilka ka dago.

“Ruux walba waxaa heesta mudaahaaraadyo” ayuu Trump u sheegay el-Sisi mar uu kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York oo uu ka soconayo kulanka 74’aad ee Qaramada Midoobe.

“Kama walaacsani Masar. Masar waxa ay heesataa hogaamiye wayn.  Waa nin si wayn loo xushmeeyo” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxwayne Trump.

Hadalka Trump ayaa kusoo beegmaya iyadoo kumanaan ruux ay Jimcihii iyo Sabtigii iskugu soo baxeen bartamaha wadooyinka caasimadda Qaahira iyo dhawr magaalo oo kale iyagoona ku dhawaaqaya Sisi waa in uu tagaa.

Magaaladda dakada leh ee Suez, Sabtigii ciidamada amaanka iyo boqolaal dibad baxyaal ah ayaa isku dhacay iyadoona ciidamadu ay dibad baxyaasha u adeegsadeen gaaska dadka ka ilmeesiiyaa.

Isniintiina kooxa’ha udooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in wadanka oo idil dibad baxyaasha xabsiga ladhigay ay ka badan yihiin 500 oo ruux tan iyo markii ay dibad baxyo bilawdeen.