Somali News

Madaxweyne Gaas oo amray in Puntland la galiyo xaalad dagaal

Garow-KNN-Gudiga difaaca Puntland ayaa maanta shirjara’id waxa ay ku qabteen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, waxa ayna halkaa kaga dhawaaqeen dagaal.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) oo ka hadlay fagaare saxaafadeedka ay qabteen gudiga difaaca puntlad, ayaa sheegay in ciidanka puntland ay diyaar yihiin madaxweyne Gaasna uu ka armay xaalad dagaal.

“Shacabka Puntland waxaan u sheegaynaa wallaahi billaahi tollaahi anaa idiin dhaartaye dagaal waa dhacayaa hadaysan ka bixin gobolka Sool oo dhulkoodii ku laaban dagaal baaqan” ayuu yiri  wasiirka arimaha gudaha Puntland.

Dagaalkan ay ku dhawaaqday Puntland ayaa dhibaato uun uhorseedi doona deegaanada Sool Iyo Sanaag, sida ay aaminsanyihiin dadka ka hadla istaraatiijiyadaha dagaalada.