Sports

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez oo doonaya inuu Bale ku sii hayo Madrid.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu sii joogo kooxdiisaciyaaryahan Gareth Bale xagaaga soo aadan inkastoo warar xan ah ay sheegayaan in ciyaaryahanka uu qarka u saaran yahay inuu baxo.

Bale ayaa la fahamsan yahay inuu si aad ah u jahwareersan yahay xilli ciyaareedkan, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Wales uu ka soo muuqday 21 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

28 jirkaan ayaa korsiga keedka looga tagay lugtii koowaad ee semi-finalka Champions League ee Bayern Munich, isagoo su’aalo badan la iska waydiinayo mustaqbalkiisa, Bayern ayaana dooneysa inay kusoo biitiso kooxdooda xilli ciyaareedka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, talkSPORT ayaa sheegeysa in Bale uusii joogi doono kooxda isagoo Perez uu doonayo inuu ku sii negaado, kaasoo aan dooneynin inuu seego ciyaaryahankii ku soo biiray kooxdiisa rikoorka adduunka sandkii 2013ka.

Bale ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu doonayo inuu sii joogo caasimada Spain, islamarkaana uu u dagaalamo booskiisa kooxda uu macakinka ka yahay Zinedine Zidane, inkastoo uu hoos u dhac laga dareemay amarii uu dhaawac uu soo gaaray.

Xiddiga reer Wales ayaa dhaliyey 82 gool 184 kulan oo uu u saftay Madrid tan iyo markii uu ku soo biiray sannadkii 2013.