Somali News

Madaxwaynaha Shiinaha oo wadamada reer galbeedka uga digay faragalin ay ku sameeyaan dalkiisa.

Madaxwaynaha wadanka Shiinaha Xi Jinping ayaa wadamada reer galbeedka uga digay in ay faragalin ku sameeyaan dalkiisa.

Madawayne Xi Jinping ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay 100 sano guuradii kasoo wareegatay markii la’as aasay xisbiga shuuciga ee talada hayo.

Sidoo kale madaxwaynaha Shiinaha ayaa sheegay in Beijing aysan marna ogolaan doonin talaabooyinka kaga imaanaya wadamo uu ka xusay Maraykanka.

Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa sii xumaanayay bilihii ugu dambeeyay iyadoona murankooda uu inta badan ku saleysan yahay dhanka ganacsiga.