Somali News

Madaxwaynaha Sudan oo balan qaaday horumar dhaqaale.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka sudan Cumar Xassan al-Bashiir ayaa balan qaaday in sanadkan cusub ee 2019 dalka Sudan uu gaarsiin doono horumar dhaqaale kadib dibad baxyo ay dad badi ku dhinteen oo dalkaasi ka dhacay.

Madaxwayne Bashiir oo ka hadlayay isku imaatin lagu weenay’nayay sanad guuradii 63’aad ee ka soo wareegatay markii dalka Sudan uu qaatay  xornimada ayaa sheegay in miisaaniyada sanadkan 2019 ay meel mariyeen Baarlamaanka dalkaasi ay wax wayn katari doonto daruufaha dhaqaale ee dalkaasi ka jiro.

Madaxwayne al-Bashiir, ayaa sidookale sheegay in dalkiisa uu xiriiro dhaqaale lasamysan doono wadamada Shiinaha, Ruushka, iyo wadamada Ku yaalo gacanka carbeed kuwaasi oo sida uu sheegay ka caawin doono horumarka dhaqaale ee uu hiigsanayo.

Moojado Dibad baxyo ah ayaa  labadii isbuuc ee lasoo dhaafay dalkaasi kasocday kuwaas oo ay dadku ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan maciishada raashiinka oo sare u kacday iyo yaraansho ku timid wax soo saarka dalka.