Somali News

Madaxwaynaha Taiwan oo beesha caalamka ka dalbatay aqoonsi.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa beesha caalaka ka dalbatay in lagarab istaago madaxbanaanida Taiwan oo ku dhawaaqday in ay ka go’day shiinaha intiisa kale.

Waxaan ka rajeenaynaa beesha caalamka in ay aqoonsadaan madaxbanaanideena nagana caawiyaan sidii aan ku noqon lahayn dal ka madaxbanaan shiinaha intiisa kale ayay hadalakeeda sii raacisay madaxwaynaha Taiwan.

Hadalka madaxwaynaha Taiwan ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii madaxwaynha dalka shiinha Xi Jinping, uu ku dhawaaqay in faragalin milatari u isticmaalayo dib u soocelinta Taiwan.

Arbacadii ayay ahyd markii madaxwaynaha dalka shiinaha uu sheegay in ay xaq u leeyihiin in Taiwan ay kusoo celiyaan maamulka Shiinaha ayna dooladiisu ka go’antahay hir galinta go’aankaas.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan in ay tahay qayb kamid ah shiinaha tan iyo 1949’kii markaas oo uu dhacay dagaalkii sokeeye oo ay kukala go’een.