Somali News

Madaxwaynaha Xasan Sheekh oo xil u magacaabay C/raxmaan C/shakuur Warsame

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur hogaamiyaha xisbiga Wadajir u magacaabay ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo Bini aadannimada ee Soomaaliya sida ilo Xog-Ogaal ah KNN u xaqiijiyeen .

Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa Ka mid ahaa munsharaxinti u tartameysay xilka madaxweynanimada Soomaaliya doorshadii dhacday 15-ka bishaan May.

Xilka loo magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa kusoo aadayo xili degaano iyo degmooyin badan oo dalka ka mid ah ay ka jiraan abaaro saameyn taban iyo mid toosan ku yeeshay nolosha dadka, iyadoona qaar badan oo kamid ah ka dhameeysay xoolihi ay dhaqanayeen.

Waxaa xusid mudan in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame shantii sanno ee lasoo dhaafay uu ahaa mucaarad si aad ah unaqdiya Dowladdii maxamad Cabdullaahi Farmaajo.