Somali News

Madaxwayne Mustafe oo ku wajahan degmada Mustaxiil.

Wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha dowlada deegaanka soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa maalinta bariya ku wajahan degmada mustaxiil ee ka tirsan G.shabeele oo ay saamaysay fatahada wabiga shabeele.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ukuurgali doona xaalada nololeed ee bulshada barakacday ku sugan yihiin, islamarkaana gaadhsiin doona gargaar dagdaga,iyadoona la rajaynayo dhawaan in ay yimaadaan masuuliyiinta sare ee jdfi si looga jawaabo baahiyaha bulshadani haysta islamarkaana dadaal isku dhafa looga gaysto samata bixinta bulshada fatahaada wabiga shabeele ku waxyeelowday.