Somali News

Madaxwaynihii hore ee Algeria walaalkiis oo xukun xabsi ah lagu riday.

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Milatariga dalka Algeria ayaa 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay Said Bouteflika oo ah walaalka madaxwaynihii hore ee dalkaasi Abdulaziz Bouteflika.

Sida ay warinayso warbaahinta qaranka sadax eedeesene oo kale oo labo kamid ah ay madax kasoo noqdeen laanta sirdoonka ayaa xukunkan oo kale lagu riday.

Said Bouteflika ayaa loo arkayay awooda dhabta ah ee gadaal ka taagnaa madaxwayne Bouteflika kadib markii uu xanuunsaday sanadkii 2013’kii.

 Mr Siad ayaan xabsiga ladhigay bishii May isaga iyo labo sarkaal oo horay madax uga soo noqday laanta sirdoonka.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay inay maleegayeen shirqool ka dhan militariga Algeria.

Waxaa saraakiishani xabsiga ladhigay bishii May ee isla sanadkan.

Bouteflika ayaa lagu qasbay in uu xilka ka dago bishii April, kadib moojado dibad baxyo ah oo ka dhacay Algeria, kuwaas oo looga soo horjeestay xukunkiisii 20 sano jirsaday.

Sidoo kale warar aanan laxaqiijinin ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee gaashaandhigga, Khaalid Nizar lagu xukumay 20 sanno oo xarig ah xilli uu dalka ka maqan yahay.