Somali News

Madaxwaynihii hore ee Dalka Masar oo lagu aasay Bariga Caasimada Qahira

Muqdisho-KNN-Madaxwaynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa maanta lagu aasay bariga caasimada dalkaasi ee Qahira, kadib markii uu shalay ku dhacay maxakamadii ay dacwadiisa kasocotay waxyar kadibna uu geeriyooday.  

Morsi ayaa saakay waabarigii la’aasay iyadoona aaskiisa ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin sar sare oo katirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin sidaasi waxaa Facebook’kiisa kusoo qoray walaalkiis Ahmed Morsi.

Sidoo kale aaska waxaa kasoo qayb galay xubno katirsan qoyskiisa iyadona masuuliyiinta dowladda Masar ay diideen in lagu aaso gobolkii uu ku dhashay sida uu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Morsi. 

Mohamed Morsi ayaa noqday madaxwaynihii ugu horeeyay oo si dimoqoraadi ah loo doortay sanadkii 2012’kii kadib markii uu meesha kabaxay madaxwaynihii 30’ka sano dalkaasi maamulayay ee Hosni Mubarak.

Madaxwayne Mursi ayaa sanad kadib Militariga Masar xilka ay ka tureen kadib dibadbaxyo xoogan oo halkaasi kadhacay.