Muqdisho-KNN-Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa lagu wadaa in markii ugu horeesay uu kasoo muuqdo Maxkamad isagoo wajahaya eedeemo dhawr ah.
Zuma ayaa lagu eedeeyay lunsashada malaayiin doolar kuwaas oo uu intooda badan ka helay qandaraasyo uu lagalay shirkado shisheeye.
Mr Zuma ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu iibsaday diyaaro dagaal, doomo shidaal, iyo qalab milatari oo uu ka iibsaday shan shirkadood oo yurub ah.
Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ayaa Jacob Zuma ku qasbaday in uu xilka ka dago sanadkii lasoo dhaafay kadib markii ay kordheen eedeemaha musuq maasuq ee loo haysto.
Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa dhawr jeer oo hore isku dayay in uu ka hor tago maxakamadeentiisa balse maanta ayaa ladhageesanayaa eedeemaha masuq maasuq ee loo haysto.


