Somali News

Madaxweeynaha Galmudug oo la kumlay Safiirka Mareeykanka ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN:-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf  ayaa Kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Safriirka Dowlada Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Martin Deal.

Madaxweyne xXaf iyo danjiraha ayaa la sheegay in ay kawada hadleen arimaha Amniga guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Deegaanadda maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxay kawada hadleen Hormarka dhaqaalaha la dagaalanka A-Shabaab iyo arimo kale oo dhowr ah.

Madaxweeynaha Galmudug ayaa ka dalbaday Mareeykanka in uu ka gacan siiyo dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab, iyo sidii looga saari lahaa meelaha ay ka joogaan Galmudug.

Dhanka kale Safiirka Mareeykanka ayaa Madaxweeyne Xaaf ku bogaadiyay heshiiskii lagu mideeyay Maamulka Galmudug Caasimadana loogu soo raray magaalada Dhuusamareeb.