Uncategorized

Madaxweeynaha oo Maanta ka Jawaabaya Tilifoonadda Xarunta Gurmad Qaran ee lagu Baadi goobayo dadkii lagu wayay Qaraxii Soobe.

Muqdisho-KNN-Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa Maanta Fadhiya Xarunta Hargaha iyo saamaha oo uu ku shaqaynayo Guddiga loo xilsaaray Baadi goobka Dadka Raq iyo Ruux la’ayahay ee lagu waayay Qaraxii soobe.

Madaxweeynaha ayaa ku shaqaynaya Xarunta Guddiga Gurmad qaran isagoo ka Jawaabaya Tilifoono loo sameeyay in ay soo wacaan Dadka Ehelkoodu ka maqanyahay waxuuna Madaxweeynuhu Diiwaan galinayay Dadka Lasoo xiriiray ee Soo wacay Tilifoonadda loo sameeyay .

Qofkasta oo soo waca Tilifoonadda Guddiga Gurmad Qaran ayaa fursad u helay in Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu u diiwaan galiyo Magaca Qofka ka maqan iyo Tilmaaha lagu Baadi goobi karo ee lagama Marmaanka ah.

Wararka aan ka heleyno Xarunta uu ku shaqaynayo Gudigga Gurmad qaran aya sheegaya in Dad badan ay la soo xiriireen Xafiiska Gurmad qaran ee hargaha iyo saamaha kuwaas oo Raadinaya Dad ka maqan.

Dhinaca kale Guddiga gurmad qaran ayaa war uu soo saaray ku ogeeysiiyay Dhamaan isbitaaladda la geeyay Dadka Dhaawaca ah in aysan Lacag ka qaadin Bukaanka, Qoysaska Dadka Bukaanka ahna wuxuu guddigu u sheegay  in Doowladdu Bixin Doonto Qarashka lagu daweeynayo dadka Dhibaatadu kasoo gaartay Qaxii soobe.

Guddigu wuxuu sidoo kale soo saaray in Diyaaradaha dalka u imaanaya Gurmadka aan la weeydiin Karin Ruqsad iyo Fiisaha dadka la Socda

Dad badan ayaa quus ka taaqan Dadka Ka maqan Sabatoo ah Qaraxii Soobe waxaa uu sababay in ay gubtaan Dadkii uu haleelay islamarkaan lakala garan waayo Meeydadka Waxaana la’aasay Dad badan oo aan la aqoonsan.