Somali News

Madaxweeynaha Somaliland oo ka hadlay Kililka Shanad

Hargeeysa-KNN-Madaxweeynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladda Cakiran ee ka taagan deeganada Kililka Shanaad.

Madaxweeyne Biixi ayaa waxaa uu ka codsaday dadka Soomaali Galbeed kasoo jeeda in ay isdajiyeen oo marwalba ay isku dayaan in amaanka ay ka hormariyeen dan walba oo jirta.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku dhaqan deegaanada Soomaaliland in aysan dhibaato ugeeysan dadka kasoo jeeda Itoobiya ee ku nool deeganada Soomaalind ay maamusho.

Ugu danbeeyn Muuse Biixi ayaa tilmaamay in ay adkeeyn doonaan xuduudda ay la wadaagaan Dowald deegaanka si ay uga hortgaan rabashado dhankooda usoo faafa.