Jabuuti-KNN-Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa gaaray Dalka Jabuuti, waxaana soo dhaweeyay Madaxweeynaha Dalkaasi Ismaaciil Cumar Geele.
Wafdiga Madaxweynaha Waxaa ka mid ah Wasiirro iyo Xildhibanno ka tirsan labadda Gole ee Barlamanka Soomaaliya.
Ujeedada Safar madaxweeynaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay in uu ka qayb gali doono Shir madaxda Africa iyo Shiinaha u dhexeeya oo lagu qabanayo Jabuuti.
Shirkasi waxaa uu ku saabsanyahay Dhaqaalaha, sida ay Idaacadda kulmiye u sheegeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya.
Dowladda Shiinaha ayaa safka hore uga jirta Dowladaha ku tartamaya Khayraadka Qaaradda Africa iyo xiriirka ganacsi ee Dadka African-ka ah in uu Shiinaha u bato.
Waxaa filayaa in Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo uu kulan la yeesho Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweeynaha Jabuuti.